U bood dhigaalka

Akhriso Warqadaha: Dagaal Dastuuri Ah Oo Ka Dhex Dilaacay Wasaaradda Cadaaladda iyo Maxkamadda Sare

Sheeko:Dalka

Maqnaanshiyaha guddiga adeegga garsoorka iyo dhameystir la’aanta dastuurka KMG ah, waxaa ay keentay in dagaal dastuuri ah ka dhex bilowdo wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka iyo maxkamadda sare ee dalka.

Dagaalkan oo qoraallo la isku dhaafsaday,  waxaa uu salka ku hayaa labo qodob oo kala ah: Diyaarinta sharciga mac-hadka tababarka garsoorka iyo hab-raaca abuurista mac-hadka.

Haddaba, Goobjoog News waxaa ay heshay 3 warqad oo ay is dhaafsadeen maxkamadda sare iyo wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka, waxaanna akhristayaasha u faah-faahin-doonnaa sida ay wax u jiraan.

Ugu horeyn, July 6, 2019-kii, guddoomiyaha maxakamadda sare ayaa wasaaaradda cadaaladda u diray casuumaad ku aadan ka soo qeyb-galka shir looga tashanayo aas-aaska machadka tababarka garsoorka.

Wasaaradda cadaaladda ayaa jawaabteeda ku sheegtay in ay gacanta ku heyso diyaarinta qoraalka iyo dhameystirka “Xeerka Mac-hadka garsoorka, oo mari-doona hab-raacyada loogu talo-galay, waxaa kale oo ay ku dooday in mac-hadka uu ahaa waax ka tirsan wasaaradda, waxayna soo-jeedisay in aan lagu degdegin dhameystirka hey’adaha garsoorka inta uu dhaqan-gal noqonayo Xeerka Mac-hadka garsoorka, arrintanna ay wasaaradda lafteeda wadatashi gelin-doonto.

July 8, 2019-kii, Guddoomiya maxkamadda sare ayaa magacaabay 7 xubin, oo ah “guddi imtixaan”, guddigan ayaa loogu talo galay iney qaadaan imtixaan loogu tartamayo jagooyinka garsoorenimo iyo kaaliyenimo ee ka bannaan garsoorka dalka.

Wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka oo arrintan ka jawaabtay ayaa sheegtay in hab-raaca loo mari jiray xilliyadii hore uu ahaa labo midkood:

(1).  Golaha sare ee garsoorka ayaa leh soo-jeedinta magacaabista,  xilka-qaadista, anshax-marinta iyo dalacsiinta xubnaha garsoorka.

(2).  In la magacaabo dad gaar ah, kuwaas oo ah sharci-yahano, macalimiin jaamacad sharci ugu yaraan 10 sano, kuwaas oo leh khibrad iyo waay-aragnimo, laguna kalsoonaan karo,

Wasaaradda Cadaaladda oo sii-hadleysa ayaa qortay in hadda dastuurka KMG ah, maadaama dalka uu federaalka ah noqday awoodda magacaabista,  xilka-qaadista, anshax-marinta iyo dalacsiinta xubnaha garsoorka uu siiyey golaha adeegga garsoorka, mar haddii uu golahaasi jirinna ay tahay in magacaabis kasta laga talo-geliyo wasaaradda cadaaladda iyo iney magacaabis kasta ku soo baxdo dekereeyo madaxweyne

Xogtan Lama Qaadan Karo, Xigasho La’aan

Goobjoog News