U bood dhigaalka

Akhriso: Wasiirada Warfaafinta Ee Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada Oo Is Faham Kala Saxiixday

Sheeko:Dalka

Is fahamka wadashaqaynta iyo hagaajinta habsami u socodka hawlaha warfaafinta qaranka, oo dhexmaray Wasiiradda Warfaafinta heer Federaal iyo dawladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Kulankii 3-da maalmood ahaa ee ay Wasiiraddu ku yeesheen Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho 6-8 May, 2017, waxay si qoto dheer iskula falanqeeyeen wanaajinta xiriirka wadashaqeyn ee ka dhexeeya waaxyaha Dawladda, warbaahinta xorta ah ee Soomaaliyeed, dawladaha iyo hay’adaha caalamka ee taageera warbaahinta Soomaaliya.

Inkastoo qaababka dawladnimo ee adduunku ku dhaqmo, ee uu ka mid yahay nidaamka federaalka ee hadda Soomaaliya ay gashay, mid weliba leeyahay nidaam iyo dariiq wadashaqeyn oo u degsan, hadana maadaama uu nidaamkan federaalku ku cusub yahay dowladnimada Soomaaliya, waxay Wasiiraddu u arkeen in ay muhiim tahay in xilliga dhow meelaha qaarkood la cadeeyo, waxayna ku heshiiyeen:-

Dhinaca Siyaasadda

• In Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu yahay dal xor ah, oo leh xad iyo xudduudo la aqoonsan yahay, sharci iyo dawlad keliya oo Federal ah.

• In sida uu qabo nidaamka dowliga ah, Wasaaradda Warfaafinta ee heer Federal, oo la tashanaysa Dawlad goboleedyada, ay mas’uul ka tahay dejinta siyaasadda, shuruucda iyo qorshayaasha warbaahineed ee heer qaran.

• In ciddii doonaysa in ay dalka Soomaaliya ka hirgeliso howlo la xiriira warbaahin, wacyigelin ama ra’yi gudbin qaabkii doontaba ha u adeegsatee, albaabka ay ka soo gelayso dalka Soomaaliya, uu yahay Wasaaradda Warfaafinta ee heer federal iyo dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

• In Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federal iyo heer Dawlad goboleed ay yeelanayaan wadashaqeyn joogto ah, qorshe iyo istraatiijiyad warbaahineed oo mideysan.

• In Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Qaran iyo dawlad goboleed dejistaan qorshe lagu wadaagayo fursadaha taageero, tababar iyo horumarineed ee ka suurageli kara dawladda Soomaaliya, ururadda iyo dawladaha aan saaxiibka nahay.

• In si loo ilaaliyo xuquuqda iyo waajibaadka weriyaha iyo warbaahinta Soomaaliyeed, Soomaaliya oo dhan laga hirgeliyaa sharciga saxaafadda ee Barlamaanka Soomaaliyeed ansixiyay.

• In Warbaahinta Dawladda ee heer Qaran iyo heer Dawlad Goboleed ay yihiin codka shacabka oo danta guud ka howlgala. Shaqsi, koox ama beel uma adeegsan karto rabitaankeeda gaarka ah.

Dhinaca wacyigelinta

• In la sameeyo Golaha Wacyigelinta Qaranka (GWQ), oo dejinaya qorshaha iyo Barnaamijyada wacyigelineed ee lagu wajahayo dhibaatooyinka dhinacyada amniga iyo bulshada ee haysta shacabka Soomaaliyeed, sida la dagaalanka fikirka argagixisada, qabyaaladda, dib u heshiisiinta iyo abuurista isku kalsoonida shacabka,oo ay ku mideysan yihiin Wasaaradaha heer federal iyo dawlad goboleed, waxayna Wasiiraddu ka codsadeen Dawladaha, hay’adaha iyo ururadda taageera Soomaaliya in ay ka caawiyaan dejinta iyo hirgelinta qorshayaashaas wacyigelineed.

• In Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo dawlad goboleed sameeyaan qorshe mideysan, oo bulshada lagu barayo (civic education) dawlad wanaagga iyo dawlad wadaagga, federaalaynta, dastuurka iyo doorashooyinka.

• In la xoojiyo xiriirka wadashaqeyneed iyo war kala qaadasho ee warbaahinta dawladda ee heer federal iyo heer dawlad goboleed.

• In warbaahinta gaarka loo leeyahay loo sahlo helitaan xogaha, wararka iyo barnaamijyada bulshadu danayso ee ay hayaan hay’adaha dawladdu.

Dhinaca Xiriirka gacmaha kale ee warbaahinta

Gacmaha kale ee Warbaahinta, waxaa looga jeedaa hay’adaha iyo hawlwadeenada aan dawladda ahayn ee ka shaqeeya warbaahinta sida warbaahinta madaxa bannaan iyo hay’adaha gudaha iyo dibedda ee ka shaqeeya warbaahinta.

• Wasiiraddu, waxay ku wargeliyeen ururradda, weriyayaasha iyo hay’adaha warbaahinta caalamka ee ka hawlgala Soomaaliya in ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Warfaafinta ee heer Federaal iyo Wasaaradda Warfaafinta ee heer dawlad goboleedka ay ka hawlgalaan una gudbiyaan warbixin xogeedkooda (Company profile) iyo qorshayaashooda Soomaaliya oo dhamaystiran.

• Cid kasta oo sharci darro kusoo gasha, kaga shaqaysa ama ku joogta meel Soomaaliya ka mid ah ama ka fulisa hawlo aanay ogeyn Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo heer dawlad goboleedka, waxay mutaysanayaan ciqaab adag.

• Warbaahin qalaad (ajnabi) ah ma dhexmari karto warbaahin Soomaaliyeed hadii aanay ogolaansho ka haysan Wasaaradda Warfaafinta ee dawladda Federaalka iyo Wasaaradda warfaafinta ee dawlad goboleedka laga dhegaysanayo ama daawanayo.

Waxaa isfahamkan gaaray kuna dhaqmi doona qaybaha warbaahineed ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed oo dhan, oo ay matelayeen ama wakiil u yihiin:

Wasiirada Warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyo Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka ayaa wada saxiixay is-fahamkan.

DHAMMAAD