U bood dhigaalka

Akhriso: Waxa Looga Hadlay Shirka Midowga Afrika

Sheeko:Dalka

Shir Madaxeedkii ururka midowga Afrika ayaa shalay galab lagu soo gabagabeeyey xarunta dalka Itoobiya ee Adis-ababa.

Mahdi Maxamed Guuleed, ra’siul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka, wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, safaaradda Adis iyo mas’uuliyiin kale ayaa Soomaaliya uga qeyb galay.

Mahdi Maxamed Guuleed  ayaa sheegay inta uu shirka socday diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dib u habeynta Midowga Afrika iyo sidii ururka Midowga Afrika ugu filnaan lahaa arrimaha quseeya ee dhaqaalaha,amniga iyo arrimaha Bulshada.

“Waxyaabaha lagaga hadlay shirka waxay ahayd guud ahaan dib u-habeynta Midowga Afrika iyo sidii Ururka Midowga Afrika u noqon lahaa mid adag oo ku filan arrimaha quseeya Afrika sida dib u habeynta dhaqaalaha,amniga,arrimaha Bulshada,deegaanka iyo isbedelka Cimilada aduunka,ganacsiga iyo isdhex-galka Afrika iyo waajibaadka saaran wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika,”ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Gooboog News