U bood dhigaalka

Akhriso : Xeer Golaha Shacabka Ah Oo DP World Ka Mamnuucaya Dalka, Heshiiskana Baa’biyay

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo maanta xaruntooda ku yeeshay kulanka 1aad ee kalfadhiga 3aad ayaa ansixiyay xeer dhowraya  gobanimada iyo midnimada geyiga Soomaaliya.

Xeerkan waxaa lagu sheegay qodobbo muhiim ah, waxaana ka mid ah:

Qodobka 1aad

Heshiis caalami ah waxaa jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya u geli kara oo keliya xukuumadda federaalka ah ayadoo sharci ahaan loo soo marsiinayo hay’adda sharci dejinta JFS uuna madaxweynaha JFS ku meelmarinayo xeer madaxweynaha laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee JFS.

Qodobka 2aad

  1. Heshiis kasta oo lala galo dowlad ama hay’ad kaloo shisheeye, oo ka hor imaanaya dastuurka federaalka ah waa waxbo kama jiraan aanan sharciyad laheyn
  2. Heshiis kasta oo shirkadda Dubai Port World” DP world” lala galay waa waxba kama jiraan maadaama uu ka hor Imaanayo dastuurka dalka, xeerka maalgeshiga shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan
  3. Shirkadda Dubai Port World “DP World” oo si bareer ah ugu xadgudubtay siyaadada, madaxbannaanidu midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliyaa, waxaa saas daraadeed shirkadan laga mamnuucay dalka.

Qodobka 3-aad.

  1. R/ Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya la farayaa inuu si degdeg u gaarsiiyo xeerkan madaxa xukuumadda istutaga Imaaraadka Carabta “UAE” kuna wargeliyo iney ku kaceen falal culus oo xadgudub ku ah qaanuunka caalamiga ah oo ay ka mid yihiin kuwa kor ku xusan si bareer ahna uga horimaanaya Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xaqa shacbiga Soomaaliyeed dowga u leeyihiin bedqabka dalkooda, ilaalinta gobonimadiisa iyo midnimada geyigooda.
  2. Waxaa kaloo la farayaa R/ wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya in uu degdeg ah baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed u hor Keeno tillaabooyinka iyo howlgallada xukuumadda ay ku ilaalneyso sareynta dastuurka iyo badbaadinta midnimada geyiga Soomaaliya.

Qodobda 4aad:

Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya waxaa uu dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u istaagaan gudashada waajibka saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed ee difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada qarabka

Qodobka 5aad

Xeerkan waxaa uu dhaqan galayaa marka uu ansixiyo  baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ku meel mariyo xeer madaxeyne, laguna soo saaro faafinta rsamiga ah ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

Goobjoog News