U bood dhigaalka

Akhriso: Xildhibaannada Kusoo Baxay Doorashadii Baladweyne

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta lagu doortay lix kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, oo ka mid 13 kursi oo deegaan doorashadooda tahay.

1:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#86 ayaa waxaa kusoo baxay eedeysane  Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaas oo 70 cod kaga adkaaday Axmed Maxamed Axmed oo helay 24 cod, halka 3 cod ay halaabeen sida guddiga uu shaaciyey doorashada kadib.

May be an image of 1 person and sunglasses

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#015 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan Xiis Xasan Aadan, kadib markii ay  kursiga ay ka tanaasushay Maryama Xasan Cabdi, Xaas ayaa 97 cod oo gacantaag ah ku guulaysatay, waxaa  diiday 5 kamid ah Ergada.

May be a closeup of 1 person and headscarf

3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#008 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Barre Cumar, kadib markii uu tantanka isaga tanaasulay Ibraahim Axmed Inji,  isaga 91 cod oo gacan taag ah ayuu kusoo baxay Maxamed, waxaana diiday 2 Ergo.

May be an image of 1 person and sunglasses

4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#274 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan, kadib markii kursiga ay ka tanaasushay Fardowsa Xasan Ismaaciil, waxaana uu ku guuleystay 85 oo gacantaag ah, waxaana diiday 7 Ergo Nuux.

May be an image of 2 people and people standing

5: Kursiga tirsigiisu yahayHOP#109 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, kadib tanaasu ka yimid Xamda Maxamed Muuse, waxaana uu ku guulaystay 92 cod oo gacantaag ah, majirin Ergo  diiiday ama ka aamustay.

May be an image of 1 person and suit

6:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#074 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan  Cabdikariim Cumar Xuseen , kaas oo ku guulaystay 98 cod oo gacantaag ah, kadib markii tartanka kursiga ka tanaasulay Cabdishakuur Cabdullaahi Axmed majirin Ergo  diiday.

May be an image of 2 people and people standing

 

Goobjoog News