U bood dhigaalka

Akhriso: Xisbiyo Qaran Oo Walaac Ka Muujiyey Xaaladda Amni Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah xisabiyada qaran ee Soomaaliya gaar ahaan xisbiyada kala ah: HIMILO QARAN, Ilays, UPD iyo Wadajir, ayaa qoraal wadajir ah kasoo saaray xaaladda amni ee Muqdisho iyo ciidamada gadooday.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Xisbiyada qaranka ee kala ah HIMILO QARAN, Ilays, UPD iyo Wadajir shir deg-dega oo ay isugu yimaadeen, kuna falanqeeyeen xaaladda amni darro dalka guud ahaan, gaar ahaan caasimadda Muqdisho iyo ciidamada soo faarujiyey aagagii ay ka howl-galayeen arrimo la xiriira daryeel la’aan ay ka cabanayaan, waxey ka soo saareen war murtiyeedkaan:

  1. Xisbiyadu waxay walaac xooggan ka muujinayaan amniga dalka oo sii xumaanaya Xilliba xilliga ka danbeeya, iyadoo qaraxyadii iyo dilalkii qorsheysnaa ay u muuqdaan kuwa si joogta ah u dhacaya, taasoo ay ugu wacan tahay dowladda oo aan weli sameyn qorshe iyo istiraatiijiyad amni qaran, heshiis la’aan siyaasadeed iyo kasbasho la’aan kasloonida shacabka.
  2. Wada shaqeyn la’aan ka dhaxeysa ciidamada amniga qaranka iyo kuwa AMISOM, taasoo keentay in aan wax dagaal ah lagu qaadin cadawga Al-Shabaab iyo Daacish labadii sano ee la soo dhaafay.
  3. Xisbiyadu waxay aaminsan yihiin in ciidamada qaranku yihiin laf-dhabarta amniga dalka, una taagan yihiin difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka, sidaas awgeed waxay mudan yihiin in la xushmeeyo, lana ilaaliyo xuquuqdooda loona dhameystiro agabyada ciidan ee ay u baahan yihiin.

Hadaba xisbiyadu iyagoo aragtidaas ka duulaya, mas’uuliyadna iska saaraya waqtiga xasaasiga ah iyo xaaladda adag ee dalku marayo waxey u kuur galeen sababta keentay in ciidamada xoogga dalku ay ka soo baxaan qeybo ka mid ah labada shabeelle, qaar kalane ay ku dhawaaqeen in ay soo baxayaan maalmaha soo socdo haddii aan cabashadooda wax laga qaban, waxaa xisbiyada u soo baxday in ay sabab u tahay gadoodka ciidamada:-

  1. Maamul xumo ka jirto diiwaan gelinta, tiro-koobka iyo xuquuq siinta ciidamada, taasoo keentay in ciidamo hal goob wada jooga qeybna la siiyo, qeybta kalena aan la siin xuquuqdooda.
    b. Daryeel la’aan heysata ciidamada xilliga ay gudanayaan waajibaadkooda qaran.
    c. Hadallo aan haboonayn oo ka soo baxay madaxda qaranka qaarkood kuwaasoo dhaawacay mooralka iyo niyadda ciidamada qaranka.

Sidaas awgeed, xisbiyadu markii ay qiimeeyeen cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii gadoodka ciidamadu uu sii socdo iyo saamaynta uu ku yeelan karo amniga dalka oo markii horeba aan hagaagsanayn waxey soo jeedinayaan qodobada soo socdo:-

  1. In si deg-dega loo siiyo ciidamada qaranka noocyadooda kala duwan xuquuqdooda mushaar, raashin iyo iidaan oo dhamaystiran, ciidamaduna ay gudashada waajibaadoodka qaran sii laba jibaaraan.
  2. In hannaanka diiwan-gelinta ciidamadu uu naqdo mid hufan, daahfuran, cadaalad ah, mudnaantana siinaya ciidamada shaqada ku jira, isla markaana loogu tagayo ciidamada goobaha ay ku sugan yihiin.
  3. In xukuumadu ay la timaado qorshe iyo istiraatiijiyad amni qaran oo dhab ah oo lagula dagaalamayo kooxaha argagaxisada ah, iyo mid lagu sugayo amniga caasimadda.
  4. In madaxda iyo mas’uuliyiinta qaranku ka ilaaliyaan ciidamada qaranka hadalada aan ku haboonayn ee dhaawaci kara mooralkooda.
  5. In madaxweynaha oo ah taliyaha guud ee ciidama qalabka sida, sida uu qabo dastuuriga JFS qodobkiisa 90, xarafkiisa (B) uu si gaar ah u ilaaliyo xuquuqda, tabashada iyo horumarinta ciidamada qalabka sida.

Xisbiyadu waxey caddaynayaan mowqifkooda ku aadan in ay taageersan yihiin in ciidamada qaranka si sax ah loo diiwaan-geliyo loona tiro koobo iyadoo laga ilaaliyo is daba-marin iyo musuq maasuq.

Waxaan beesha Caalamka uga mahadcelinaynaa dadaalka ay shacabka iyo Dawladda Soomaaliya la garab taagan tahey, waxaanse xusuusinaynaa in taageeradu aysan noqon ku dhafsi (rubber stamp) xayeysiin siyaasadeed loo adeegsado.

Ugu danbaytii, xisbiyadu waxay aaminsan yihiin in xasilooni siyaasadeed ay horseedi karto xasilooni amni iyo in laga adkaado kooxaha argagaxisada ah. Sidaas aawgeed waxaa hoggaanka dalka looga baahan yahay in uu wax ka bedelo hab-dhaqankiisa siyaasadeed ee aan ku salaysneen wadada-tashiga kuna bedelo dib-u-heshiin, wadatashi iyo talo wadaag dhexmarta dowladda dhexe, xisbiyada siyaasadeed iyo dowlad goboleedyada dalka.

Goobjoog News