U bood dhigaalka

Akhriso: Xisbiyo Siyaasadeed iyo Dowlad Goboleed Soo Dhoweeyey Dhaarinta Xildhibaannada Jubbaland

Sheeko:Baarlamaanka

Xisbiga UPD ayaa ahaa xisbigii siyaasadeed ee ugu horeeyey ee u hambalyeeya xulista iyo dhaarinta xubnaha baarlamaanka Jubbaland, Xisbiyada UPD waxaa uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka ah iyo hey’adaha amniga iney dhowraan dastuurka, kana digtoonaadaan faragelin toos ah iyo mid dadnan.

Xisbiga Wadajir oo ka mid ahaa axsaabtii ka hambalyeysay dhaarinta xildhibaannada Jubbaland ayaa dhankiisa cambaareeyey ficilo ay sheegeen in hoggaanka sare ee DF ku doonayo inuu xasilooni darro ka abuuro Jubbaland.

Xisibiga Himilo Qaran ayaa soo dhoweyn kadib waxaa uu ugu baaqey Jubbaland iney ka shaqeeyaan xasiloonida iyo amniga.

Dhinaca kale, dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo dhoweysay dhaarinta xildhibaannada Jubbaland iyada oo ku boorisay xildhibaannada in doorashada guddoonka iyo madaxweynaha u qabtaan si daah furan.

Goobjoog News