U bood dhigaalka

Akhriso: Xog Ku Saabsan Macalin Maanta Lagu dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Macalin ka tirsanaa macalimiinta wax ka dhiga jaamacadaha Muqdisho ayaa saakay lagu toogtay agagaarka Haanta-dheer ee dagmada Dayniile.

Maxamed Axmed Oongooye  oo ah macalinka la toogtay waxaana la dilay kadib markii gaari uu watay lagu joojiyay halkaasi, waxaana dad goobjoogayaal ah tilmaameen in dhowr xabadood madaxa looga dhuftay.

Dilkan  ayaa waxaa geystay dhaliyaro bastoolado ku hubaysanaa, waxa ayna isaga baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen, Oon-gooye waxaa uu  ifka uga tagay seddex caruura iyo mid uurka lagu sido. Macalinka  ayaa ahaa wiil dhalin yara ah oo 30 ku jira ah sida ay Goobjoog news u  sheegeen qaar ka mid ah asxaabtiisa.

Maxamed Axmed , waxbarashadiisa ilaa heerka dugsiga sare waxaa uu ku soo qaatay dalka Kenya, waxaa uu waddan-ka ku soo laabta sanadkii 2014-kii, waxaa uuna heerka 1aad  jaamacada ka bilaabay jaamacada Horn of Africa ee magaalada Muqdisho, waxaa  uuna ka baxay 2017kii, isaga oo bilaabay inuu jaamacada Horn of Africa iyo jaamacado kale uu ka bilaabay luqadda Ingiriiska,  waxaa kale uuna ka tirsanaa wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta

Goobjoog News