U bood dhigaalka

Akhriso: Yaa Ku Soo Baxay Kuraasta La Isku Tanaasulay Ee Muqdisho Lagu Doortay?

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa magaalada Muqdisho maanta oo khamiis ah lagu qabtay doorashada 5 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Somaliland.

Kuraasta maanta la doortay ayaa waxaa ay kala yihiin HOP#205, HOP#240, HOP#241, HOP#263 iyo HOP#271.

1: Kursiga koowaad ee la doortay ayaa tirsigiisu yahay HOP#205, waxaana kuwada tartamay musharixiinta kala ah Axmed cabdi kooshin iyo muna xusen farax .

Waxaa ku guuleeystay kursigaan Axmed cabdi kooshin kadib markii ay tartanka isaga baxday musharaxad muna xusen farax, waxaana uu helay 99 cod oo gacan taag ah.

2: Kursiga labaad ee la doortay ayaa tirsigiisu yahay HOP#263, waxaana kuwada tartamay musharixiinta kala ah Muuse Siciid Jaamac iyo Khadra Cabdi Maxamed.

Waxaa ku guuleeystay kursigaan Muuse Siciid Jaamac kadib markii ay tartanka isaga baxday musharaxad Khadra Cabdi Maxamed,  waxaana uu helay 101 cod oo gacan taag ah.

3: Kursiga saddexaad ee la doortay ayaa tirsigiisu yahay HOP#240, waxaana kuwada tartamay musharixiinta kala ah Cali maxamuud Aadan iyo Rooda maxamuud Axmed.

Waxaa ku guuleeystay kursigaan Cali maxamuud Aadan kadib markii ay tartanka isaga baxday musharaxad Rooda maxamuud Axmed,  waxaana uu helay 98 cod oo gacan taag ah.

4: Kursiga Afaraad ee la doortay ayaa tirsigiisu yahay HOP#271, waxaana kuwada tartamay musharixiinta kala ah Cali Cabdi ibraahim iyo farxiya obsiiye Wacays.

Waxaa ku guuleeystay kursigaan Cali Cabdi ibraahim kadib markii ay tartanka isaga baxday musharaxad farxiya obsiiye Wacays,  waxaana uu helay 90 cod oo gacan taag ah.

5: Kursiga Shanaad ee la doortay ayaa tirsigiisu yahay HOP#241, waxaana kuwada tartamay musharixiinta kala ah Cabdiqani Ismaacil siciid iyo Ayaan ismaacil Cabdi .

Waxaa ku guuleeystay kursigaan Cabdiqani Ismaacil siciid  kadib markii ay tartanka isaga baxday musharaxad Ayaan ismaacil Cabdi ,  waxaana uu helay 91 cod oo gacan taag ah.

Goobjoog News