U bood dhigaalka

Al-bashiir Oo Berri Booqanaya Qaahira

Sheeko:Dalka

Madaxtooyada Masar ayaa ku dhawaaqday in madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir uu booqasho ku imaan doono magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaasi.

War-murtiyeedka ka soo baxay madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay in Cabdi-fitaax Al-siisii uu soo dhaweyn doono berri oo Isniin ah Al-bashiir oo booqasho gaaban ku tagi doona Masar, si ay labada madaxweyne u sii wadaan wadatashigooda ku aadan arrinta biya xireenka.

Afhayeenka madaxtooyada Masar ayaa yiri “ Kulanka waxaa lagu gorfeyn doonaa waddooyinkii lagu xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal kaasi oo ku saabsan dhinacyada oo dhan”.

27 Janaayo ayey aheyd markii Siisii iyo Al-bashiir ay isku waafaqeen in arrinta biya xireenka loo xil saaro guddo ka kooban afar xubnood oo ay ku jiraan labada wasaaradood ee arrimaha dibadda  labada dal iyo laamaha ammaanka labada wadan si looga gudbo caqabadaha.

Booqashada waxaa ku wehliya Al-bashiir wasiirka arrimaha dibadda Ibraahim Gandoor madaxa laamaha amniga Saalax Cabdullahi iyo xubno kale oo ka tirsan madaxtooyada khartuum.

Goobjoog News