U bood dhigaalka

Al-bashiir Oo Eryey Ibrahim Ghandour

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa xilkii ka qaaday wasiirkiisii arrimaha dibadda Ibraahim Ghandour.

Wakaaladda wararka Suudaan ee Sunna oo baahisay warka ku saabsan xil ka qaadista Ghandour ilaa iyo hadda ma aysan shaacin asbaabaha looga qaaday wasiirka xilkiisa.

Dadka qaar ayaa sheegaya in xil ka qaadista Gandour ay la xiriirto xilli Arbacadii looga yeerahay xarunta golaha Baarlamaanka Suudaan si wax looga weydiiyo arrimaha ku saabsan bixinta mushaaraadka diblomaasiyiinta iyo ergooyinka Suudaan, kuwaas oo ku sugan qaar ka mid ah wadamada Caalamka, kana cabanayey in bilooyin badan aysan qaadan wax mushaar ah.

Ghandour waxaa uu Baarlamaanka ka hor sheegay in Bangiga dhexe ee Suudaan uu meermeeriyey in uu bixiyo mushaaraadka diblomaasiyiinta iyo xarumaha kirada, kuwaas oo u baahan sida uu sheegay lacag ku dhow 30 Milyan.

Warka Ghandour ayaa bulshada reer Suudaan waxaa uu ka dhex abuuray dood, waxaana baraha bulshada la isku weydaarsanayey muuqaal yar oo uu ka hor sheegay golaha Baarlamaanka.

Ilaa iyo hadda madaxweyne Al-bashiir Ma uusan magacaabin cidda lagu badalayo Ibraahim Gandour oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Suudaan.

Goobjoog News