U bood dhigaalka

Al-bashiir Oo Loogu Baaqay In Uu Ka Soo Qeyb-galo Shirmadaxeedka Ururk Jaamacadda Carabta Ee Lagu Qabanayo Riyaadh

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa labo farriimood ka helay boqorka Sacuudiga Salmaan Binu Cabdicasiis, waxaa ayna ku saabsantahay midda koowaad in uu soo xaadiro shirmadaxeedka ururka Jaamacadda Carabta oo lagu qabanayo Riyaadh, halka midda kale ay ku saabsantahay in dalkiisa uu ka qeyb-qaato tobabarrada badda ee Isbaheysiga Carabeed.

Arrintan ayaa timid ka dib markii madaxweynaha uu Khartuum ku soo dhaweeyay safiirka Sacuudiga u fadhiyo Suudaan Cali Binu Xuseen sida ay sheegtay wakaaladda Suudaan .

Wakaaladda ayaa waxaa ay sheegtay in safiirka Sacuudiga uu madaxweynaha guddoonsiiyay waraaq ka socotay boqorka Sacuudiga oo ku saabsan in Suudan ay ka soo qeb-gasho shirmadaeedka ururka Jaamacadda, kaasi oo lagu wado in lagu qabto Sacuudiga iyo ka qeyb-qaadashada tobabarrada badda ee isbaheysiga Carbeed.

Maarso, 2015 ayey Suudan ka qeyb-gashay Isbaheysiga Carbeed oo uu hoggaaminayo Sacuudiga ee gudaha Yeman.

Shirmadaxeedka ururka Jaamacadda Carabta ee lagu qabanayo bartamaha bishaan magaalada Riyadh waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimo badan oo khuseeyo umadaha Carbeed iyo in la eego caqabadaha waaweyn ee ku hor go’an Carabta.

Xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Qeyd ayaa sheegay bishii Maarso ee la soo dhaafay in shirmadaxeedka ururka Jaamacadda Carabta wareeggiisa 29-aad lagu qaban oono 15 bishan Apriil magaalada Riyaadh ee caasimadda Sacuudiga.

Goobjoog News