Al-Jazeera America oo La Xirayo

Shabakadda Al-jazeera ayaa sheegtay in ay istaajineyso Channel-ka Al-Jazeera America kadib markii caqabado badan ay kala kulantay gudaha Mareykanka.

Al-Jazeera America oo ahaa Cable Natwork waxaa ay shabakadda Aljazeera ugu talo-gashay in ay warbixino ku gaarsiiyo dadka Mareyakanka, lakin sida muuqata arrintaas laguma guuleysan.

Al-Jazeera America waxaa la bilaabay 2013 waxaa Weriyeyaasha halkaas ka shaqeeya ku guul-daresyteen in ay helaan daawadaayaal, taas oo saameyn dhaqaale ku yeelatay shakadda Aljazeera.

Shabakadda Aljazeera ayaa bayaan ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in ay hawada kusii jiri doonto ilaa April iyadoo bixin doonta lacagta weriyeyaasha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW