U bood dhigaalka

Al Shabaab Iyo Ciidanka Koonfur Galbeed Oo Ku Dagaalamay Gobalka Baay

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno gobalka Baay ayaa waxa ay ku soo waramayaan in dagaal khasaare kala duwan geystay uu gobalkaasi ku dhexmaray dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab iyo ciidanka maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ka soo baxaya faahfaahino kala duwan.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Baay ayaa waxa uu soo sheegayaa in dagaalka uu yimid ka dib markii dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ay wadada u galeen ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed oo ku socdaalayay wadada xiriirisa deegaanka Deynuunaay iyo magaalada Beydhabo.

Dagaalka oo qaatay mudoo kooban ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu geystay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiin Karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Baraha lagu taageero Al shabaab ayaa waxaa lagu daabacay in dagaalkan ay ku dileen askari ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, waxa ayana sidoo kale sheegeen in seddex kale ay weerarkaasi ku dhaawaceen.

Al shabaab ayaa weerarada nuucaana inta badan la beegsada ciidanka dowladda.

Goobjoog News