U bood dhigaalka

Al-shabaab Iyo Kooxda Macaawisleyda Oo Ku Dagaallamay Hiiraan

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhaxeeyey kooxda Macaawisleyda iyo Al-shabaab ayaa saakay waaberigii waxa uu ka dhacay deegaanka Ceel-cali ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Weerarka dagaalkan ayaa waxaa lahaa kooxda Macaawisleyda, waxaana ay duulaan ku qaadeen saldhig gAl-shabaab ku lahaayeen deegaankaasi, sida uu warbaahinta u sheegay Maxamed Cali Istakiin oo horjooge u ah kooxdan.

Istakiin ayaa sheegay in weerarkan ay Al-shabaab kaga dileen dhowr dagaalyahan, kana qabsadeen hub iyo sidoo kale Laba gaari oo nooca dagaalka ah.

Dhankooda ayuu sheegay in Hal qof uu kaga dhintay, mid kalena kaga dhaawacmay, islamarkaana ay dib uga soo ruqaansadeen halkii ay weerarka ku qaadeen.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal khasaaraha ka soo gaaray dagaalkan, iyadoo xaaladduna tahay mid deggan.

Kooxda Macaawisleyda ayaa ka dagaalanta Hirshabelle, waxaana ay dagaallo kula jiraan ururka Al-shabaab, iyaga oo marar badan ku weeraray meello ay kaga sugnaayeen Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News