U bood dhigaalka

Al-shabaab Iyo Macawisley Oo Ku Dagaallamay Hiiraan

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhaxeeyey Maleeshiyaadka Macawisley iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-cali ee gobolka Hiiraan.

Wararka ay heshay Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan uu bilowday kadib markii Macawisleyda ay weerar curur ku qaadeen fariisin Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana ka dhashay dagaalkan khasaare kala duwan.

Xubno u hadlay macawisleyda waxay sheegeen iney dileen ku dhowaad 10 ka mid ah Al-shabaab, dhaawac badanna ay soo gaarsiiyeen, waa sida ay hadalka u dhigeenne.

Al-shabaab dhankooda wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkan, waxaana lagu soo waramayaa iney deggan tahay xaaladda halkii lagu dagaallamay.

Kooxda Macawisleyda ayaa si ka madax bannaan DFS waxay qaadaan weeraro ka dhan ah Al-shabaab, marar badanna dagaallo culus ayeey la galeen.

Goobjoog News