U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Xudur Oo Sheegay In Al-shabaab Ay Kala Wareegeen Deegaanno Cusub

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa shaaciyay in dagaal ay la galeen ciidamada Xarakada Al-shabaab ay kaga qabsadeen deegaanno ku dhaw degmadaasi.

Aadan Cabdi oo ah gudoomiye ku xigeenka Dhanka amniga ee degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ay ciidamada dowladda la wareegeen dhowr tuullo oo duleedka ka ah degmada Xudur.

Dhimashada 6 ruux ayuu xaqiijiyay gudoomiye ku xigeenka, kuwaasi oo ku geeriyooday dagaalladii halkaasi ka dhacay.

“Ciidamada ayaa xalay illaa iyo saaka waxa ay kusoo siqayeen deegaano ku dhaw degmada Xudur, waxaana inoo suurta gashay in aan gacanta ku dhigno dhowr tuullo oo muddo badan Nabad diidka ay maamulayeen, waxaana hadda kor taaganahay Meydadkii ay ka carareen” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka.

Dhinaca kale waxa uu sheegay mas’uulkaan in ciidamada dowladda ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab tan iyo inta laga saarayo deegaanada weli gacantooda ku harsan.

Al-shabaab weli kama aysan hadal dagaalladaasi iyo sidoo kale wararka uu sheegayo maamulka degmada Xudur ee ku aadan in lagala wareegay deegaanno degmadaasi ku dhaw.

Goobjoog News