U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Dhexda u Gashay Wafdiga Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xarakada Al-shabaab ay dhexda u galeen kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Weriyaha Goobjoog News ee Hiiraan waxaa uu sheegayaa in Dabageed iyo saraakiisha kale ay ku sii jeedeen Maxaas, iyaga oo ka tagay magaalada Baladweyn.

Inkasta  oo aanu wax khasaare ka dhalan dagaalka, hadana xabadaha ay labada dhinac is-dhaafsadeen waxaa ay socdeen daqiiqado badan.

Hadda, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo wafdigiisa waxaa ay joogaan Maxaas, halkaas oo ay ka bilaabeen dib u heshiisiin.

Goobjoog News