U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Diley Saddex Qof Oo Kenyan Ah

Sheeko:Dalka

Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in gelinkii dambe ee shalay ay dileen Seddex ruux oo Kenyan ah, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Yongoro oo ka tirsan degmada Witu ee dowlad deegaanka Lamu.

Waxay dagaalyahannadan weerareen sida la sheegay gaari Bas ah oo halkaasi marayay, waxaana ay ku fureen rasaas, iyadoo halkaasi ay ku dhinteen Saddex nin oo Kenyan ah,

Gaarigan la weeraray ayaa laga lahaa shirkadda Kipini Raha, wuxuuna socday wadada Garsin High Way.

Saraakiil ka tirsan ciidanka amniga Kenya ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in raggii weerarkaasi ka dambeeyay ay baxsadeen, islamarkaana hadda ay wadaan howlgal ballaaran oo raggan lagu raadinayo.

Waxay sidoo kale saraakiishaan sheegeen in dagaalyahannadii weerarka fuliyey ay dib ugu laabten Keynta Boni.

Al-shabaab ayaa marar badan sidan oo kale waxay weerar uga geysteen deegaanno ka tirsan dalka Kenya, oo ay dileen muwaadiniin u dhashay dalkaasi.

Goobjoog News