U bood dhigaalka

Al Shabaab oo Fagaare Ku Yaalla Degmada Ceelbuur Ku Toogatay Saddex Qof

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al shabaab ay fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur ay ku toogteen saddex qof oo ay ku eedeeyeen basaasnimo.

Al shabaab waxa ay sheegeen in saddexda qof oo ay toogteen kuwaas oo dhamaantood ahaa rag inay la shaqeynayeen taliska Mareykanka ee ka howlgalla qaarada Afrika ee loo yaqaan Africom sida ay sheegeen.

Saddexda qof ee la toogtay ayey Al shabaab magacyadooda ku kala sheegeen Axmed Nuuroow Maxamed Xeroow oo 23 jir ahaa, Bashiir Maxamuud dhagool oo 22 jir ahaa iyo Bishaar Axmed Cabdulle Hooloow oo 50 jir ahaa.

Dadweyne ka kal yimid xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Ceelbuur ayaa goobjoog ahaa goota lagu tooganayay saddexdaasi ruux.

Dagaalamayaasha Al shabaab ayaa sidaan oo kale degmooyinka iyo deegaannada ay dalka kaga suganyihiin waxa ay ku toogtaan shaqsiyaad ay ku eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News