U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Gacanta Ka Gooyey Wiil Dhallinyaro Ah

Sheeko:Dalka

Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay fagaare ku yaalla deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wiilkan gacanta laga jaray ayaa lagu magacaabaa Maadey C/qaadir Cali, waxaana lagu eedeeyey in uu lacag ka xaday goob ganacsi oo ku taalla tuulada Dharkeenley oo hoostagta degmada Qoryooley.

Shaqsiga Al-shabaab u ahaa qaadiga ayaa sheegay in Maadey uu dambigiisa qirtay sidoo kalena lagu helay caddeyn buuxda, sidaasina uu ku muteystay in gacanta laga jaro.

Al-shabaab ayaa deegaannadaq ay ka arrimiyaan waxay ka fuliyaan xukunno isugu jira toogasho, gacmo iyo lugu jaris.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada