U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Go’doomiyey Deegaanno Ka Tirsan Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa go’doomiyey deegaanno dhowr ah oo ku dhow degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose.

Maxamed Cabdi Gaashaan oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmadaasi ayaa Goobjoog News u sheegay in Al-shabaab ay deegaannadaasi qaar biyaha Wabiga kusoo fureen, sidoo kalena qaarkood ay diideen in la galo.

Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka, in sidoo kale Al-shabaab ay kordhiyeen dagaallada ay kusoo qaadaan degmada Qoryooley, iyadoo weerarkii ugu dambeeyey uu dhacay habeen ka hor.

“Nimanka Al-shabaab waxay go’doomiyeen deegaannadii looga imaanayey Qoryooley, waxay ka dhigeen kuwo ay Wabiga ku daayaan iyo kuwo ay ciidan dul dhigaan, habeen hore wey nasoo weerareen waana iska caabinnay, waxaadna moodaa in dhankeena ay culeys soo saarayaan” ayuu yiri Gaashaan.

Al-shabaab ayaa horey u go’doomiyey deegaanno dhowr ah oo ka mid ah gobollada Hiiraan, Sh/hoose, Baay iyo Bakool.

Goobjoog News