U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Iska Fogeysay Inuu Xiriir La Lahaa Qalbi Dhagax

Sheeko:Dalka

Ururka Al-shabaab ayaa waxbo kama jiran ku sheegay war maanta ay shaacisay xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ah in xiriir uu kala dhaxeeyay C/kariin Qalbi Dhagax.

Qoraal kooban oo ay Al-shabaab soo dhigeen barahooda Internetka ayaa waxay ku sheegeen in uusan jirin wax xiriir ah oo waligood dhex maray iyaga iyo Qalbi Dhagax.

Waxay sheegeen in Qalbi Dhagax ay warbaahinta ka maqleen oo kaliya markii loo dhiibay dowladda Itoobiya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay sheegeen in Qalbi Dhagax uu ka tirsanaa ONLF, xiriir la lahaa Al-shabaab, sidoo kalena uu maleegayey falal amniga ka dhan ah.

Goobjoog News