U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo La Wareegay Deegaanka Dhanaane, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Xarakada Al-shabaab ayaa dib ula wareegay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo shalay isaga baxeen askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Wararku waxay sheegayaan in Al-shabaab ay degeen goobihii ay faarujiyeen ciidanka dowladda ee deegaankaasi ah.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in Al-shabaab halkaasi ay ka sameeyeen howlgallo dad shacab ah ay ku qabteen.

Sababta ay ciidanka DFS uga baxeen Dhanaane ayaa lagu sheegay cabasho dhanka mushaarka ah, kadib markii aanay lacag qaadan muddo la eg Afar bil.

Askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka kuna sugan gobolka Shabellaha Hoose ayaa dhowaan shaaciyey in aanay Afar bil qaadan mushaarkooda, iyaga oo ku baaqay in la siiyo xuquuqda ay leeyihiin.

Goobjoog News