U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo La Wareegtay Bariire Maalin Kadib Is-casilaaddii Wasiirka Gashaandhigga

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Bariire ee shabeeladaha hoose ayaa sheegaya in saaka ay la wareegeen xarakada Al-shabaab kadib markii ay isaga baxeen ciidamada dowladda federaalka ah. Tilaabadan ayaa imaaneysa maalin kadib is-casilaaddii wasiirka gashaandhigga iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Xaalad dagaal ayaan ku jirnaa, sagaal saac habeennimo ayey ciidamada dowladda ka baxeen deegaanka, hadda waxaa jooga Al-shabaab, waxaan u nimid in guryaha soo argon, waxaa kale oo hadda naloo sheegaa in dowladda soo raogaal celisay, cabsi ayaa jirto” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay muwaadin ku sugan deegaanka Bariire

Deegaanka Bariire oo ka tirsan Shabeellada hoose, waxaa uu Muqdisho ka xigaa 60 KM dhanka koonfur galbeed,  waxaa ku nool  3000  oo qof, waxaa ay ka kooban yahay xaafadaha kala ah: Waaberi, Dhaandhoole, Horsed, Buulo Muuse iyo Buulo Raaxoole

29-kii bishii hore, weerar ay Al-shabaab ku qaaday xero halkaasi ku taallo waxaa lagu dilay in ka badan 17 askari.

Xiisadda kala soco, Goobjoog News