U bood dhigaalka

Al -Shabaab Oo Meel Fagaara Ah Ku Toogatay Seddex Qof

Sheeko:Amniga

Al-Shabaab ayaa galinkii danbe ee shalay waxa ay meel fagaara ah ku toogteen Rag ay ku eedeeyeen inay la shaqeyn jireen Ciidanka Dowladda iyo Ciidamada ajaanibta ah ee jooga Soomaaliya.

Fagaaraha ay toogashada ka dhacday, ayaa waxa ku yaalaa degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada hoose, waxana dadka la toogtay ay ka koobnaayeen seddex ruux oo Al Shabaab ay u soo jeediyeen eedeymo kala duwan.

Sedexda ruux ee maanta Al-shabaab ay ku toogteen gobalka Jubada Hoose gaar ahaa Kamsuuma ayaa dhammaantood ahaa rag, waxaana lagu kala magacaabi jiray.

1.Muuse Xuseen Siyaad oo 31-sano jir ah

2.Xuseen Maxamed Cabdi oo 20-sano jir ah

3.Faliir Yarow Cali oo 75-sano jir ah

Al Shabaab, ayaa sidaan oo kale degmooyinka iyo deeganada qaar ay ka arrimiyaan  ee dalka waxa ay ka fuliyen toogasho, iyagoona dadkaas intooda badan ku eedeeya basaasnimo.

Goobjoog News