U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Qafaashay Labo Guddoomiye

Sheeko:Amniga

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in degmada Luuq ee gobolka Gedo ka afduubteen Labo guddoomiye Tuulo, kadib weerar lama filaan ah oo ay halkaasi ku qaadeen.

Sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Luuq, waxay Al-shabaab qafaasheen guddoomiyeyaasha tuulooyinka Shaatilow oo luuq u jirta 18-km iyo sidoo kale Cadiley oo iyana Luuq u jirta 214-km.

Lama oga halka rasmiga ah ee Al-shabaab la aadeen guddoomiyeyaashan, iyadoo lasoo sheegayo in hadda ay howlgallo wadaan ciidamada dowladda federaalka ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News