U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Qarax Ku Dumisey Anteenno Ay Lahayd Shirkad Isgaarsiin Oo Laga Leeyahay Kenya

Sheeko:Dalka

Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay qarax ku burburiyeen Anteenno ay lahayd shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom, taasi oo la sheegay inay ku taallay deegaanka Dhamase ee dhanka Kenya.

Booliiska Kenya ayaa xaqiijiyey in Al-shabaab ay gudaha usoo galeen deegaankaasi, islamarkaana ay walaxaha qarxa ku xireen Anteenadaasi, taasi oo sababtay in gabi ahaanba dunto, dadkiina ay waayaan adeeggii Isgaarsiineyd ee isticmaalayeen.

Saraakiishan ayaa dhinaca kale sheegay in deegaanno ku dhaw xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya lagu arkayo dagaalyahanno badan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Lama oga ulajeedka rasmiga ah ee Al-shabaab u burburiyeen Anteenadan, hase ahaatee maalmahan dambe waxay wadeen dhaqdhaaqyo ciidan oo ka dhan ah dowladda Kenya.

Shirkaddii lahayd anteenada la burburiyey weli kama aanay hadal arrintan, balse tani ayaa saameyn ku yeelatay shacabka deggan Deegaanka Dhamase oo maanta adeeg Taleefan la’aan ah.

Goobjoog News