U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Qaraxyo Iyo Weerar Toos Ah Ku Qaaddey Saldhig AMISOM Ku Lahaayeen Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar isugu jira Qaraxyo ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen Buulomareer.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in Al-shabaab ay markii hore weerarkaan ku bilaabeen gaaari Deyna ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaa xigay gaari kale oo caasi ah oo isaguna wadey ruux kale oo ismiidaamiye ah, waxaana ay kusii xijiyeen weerar toos ah.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta oo weerarkaan ka dhashay, iyadoo sidoo kale Al-shabaab ay maanta weerar ku qaadeen saldhigyo kale oo ciidanka xoogga dalka ku lahaa isla gobolka Sh/hoose.

Gaashaanle Ciise Maxamuud Jimcaale oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee Sh/hoose ayaa u sheegay Goobjoog News, in Al-shabaab dhankooda ay soo gaarsiiyeen khasaare xooggan, welina dagaalka uu ka soconayo Buulomareer iyo nawaaxigeeda.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegeen iney dileen in ka badan 50 askari oo AMISOM ah.

AMISOM iyana weli wax war ah kama aanay soo saarin khasaaraha ciidankeeda kasoo gaaray qaraxyadan iyo weerarka tooska ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News