U bood dhigaalka

Al-Shabaab Oo Sheegtay Inay Saraakiil Ciidan Ku Dileen Qarax Miino

Sheeko:Amniga

Al-shabaab ayaa qarax khasaare ka dhashay waxaa ay u geysteen gaari ay la socdeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo marayey gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan inta u dhaxeysa Lambar 60 iyo degaanka Shaleembood

Qaraxa oo nuuciisa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa qabsaday gaari Cabdi Bile ah oo ka mid ah kolonyo ciidanka Millatariga ah.

Saraakiisha ciidanka ammaanka ayaa waxa ay sheegeen qaraxan inay ku dhinteen labo askari halka ay ku dhaawacmeen labo askari oo kale, kuwaasi oo dhaawacooda loo soo qaaday isbitaalka degmada Afgooye.

Dhinaca kale, Al-shabaab waxaa oo sheegatay weerarka waxaa ay khasaaraha ku sheegeen 3 sarkaal.

Goobjoog News