U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Sheegtay Iney La Wareegeen Deegaanka Tarako Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay iney la wareegeen deegaanka Tarako ee gobolka Gedo, halkaasi oo gelinkii dambe ee shalay isaga baxeen ciidamada Kenya.

Qoraal ay Al-shabaab soo dhigeen baraha ay ku leeyihiin Internetka ayeey ku sheegeen in hadda deegaankaasi ay iyaga maamulayaan, islamarkaana ay ka wadaan howlgallo.

Ciidamada Kenya ayaa ka baxay Tarako, waxaana la arkay gaadiidka dagaal ee ciidankaasi iyo kuwa Xamuulka ah oo dhanka degmada Ceelwaaq sii aaday.

Lama oga ulajeedka ka dambeysay in ciidamada Kenya ay isaga baxaan deegaanka Tarako oo muddo ay ku sugnaayeen.

Waa deegaankii Labaad oo Gedo ka tirsan, islamarkaana ciidamada Kenya isaga baxaan bishan gudaheeda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News