U bood dhigaalka

Al-Shabaab Oo Ugu Hanjabtay Mareykanka Inay Weerari Doonto

Sheeko:Dalka

Xarrakada Alshabaab ee saldhiggeedu yahay dalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay weerarro ku qaadi doonto xarumo Mareykanku ku leeyahay adduunka maalmo kaddib markii ay weerar qasaaro geystay oo aan la fileyn ku qaadeen ciidamada Mareykanka ee saldhigga ku leh dalka Kenya.

Iyagoo dhiirranaan ka helaya guushii lama-filaanka ahayd oo ay ka gaareen weerarkii Axaddii hore ay ku qaadeen saldhigga Millateri ee woqooyiga Kenya “Manda Bay Region” kaasoo ay waxyeellooyin kasoo gaareen askar iyo dad rayid ah ayey hadda dirayaan hanjabaad kale.

Taliska Mareykanka ee Africa “AFRICOM” ayaa jawaab ka bixiyey weerarka iyagoo askar iyo qalab Milateri u diray qeybta ciidamadu saldhigga ku leeyihiin ee woqooyiga Kenya waxaana la kordhiyey duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Alshabaab ee ku sugan dalka Kenya deriska la ah ee Soomaaliya.

Laakiin waxaan wali sharraxaad laga bixin ciidanka aan sida xooggan u hubeysneyn ee Alshabaab kuwaasoo qiyaas ahaan aan tiradoodu ka badneyn 15 dagaalyahan ay u awoodeen inay u soo gudbaan Kenya islamarkaana ay dilaan 3 muwaaddin oo Mareykan ah una burburiyaan diyaaradaha wax basaasa.

Inkastoo Alshabaab ay weerar ku qaadi jirtay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ajinnabiga ah ee jooga dalka in-ka-badan toban sano haddana waa bishii September marka Alshabaab ay billaabeen inay ku beegsadaan Mareykanka weerarro qasaare badan dhaliya.

Xarrakada Alshabaab ayaa weerartay saldhigga Mareykanka ee Balli-doogle ee u dhaw caasimadda Soomaaliya dhammaadka sannadkii hore weyna ku guul-darreysteen inay qasaare geystaan. Tan iyo xilligaas hoggaamiyaha Alshabaab Axmed Diiriye ayaa farayey dhammaan qeybaha xarrakada iyo dagaalyahannada kale ee dalalka Bariga Africa ee gacan-saarka la leh inay xoogga saaraan weerarro lagu qaado Mareykanka iyo xulufadiisa.

Goobjoog News