U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Weerar Kale Ka Geystay Kenya

Sheeko:Dalka

Rag la sheegay in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday gaari ay la socdeen dad shacab ah, kaasi oo marayey gobolka Waqooyi bari Kenya.

Gaarigan ayaa la sheegay inay la socdeen Lix qof oo shacab ah, waxaana raggan lala xiriirinayo Al-shabaab la tilmaamay in gaarigaasi ay rasaas oodda kaga qaadeen.

Hal qof oo haweeney ah ayaa la xaqiijiye in halkaasi ay ku geeriyootay Labo kalena dhaawac uu soo gaaray.

Gaarigan ayaa marayey inta u dhaxeysa deegaannada kala ah Fino iyo Sheekh Barrow ee gobolka Waqooyi bari, waxaana jira warar sheegayey oo ah in gaariga dhanka Gaarisa uu u socday.

Al-shabaab waxay shalay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidanka Kenya ku lahaayeen deegaanka Diif ee gobolka Waqooyi bari Kenya, halkaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Goobjoog News