U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Xaqiijisay Geerida Maxamed Dulyadeen

Sheeko:Dalka

Xarakada Al-shabaab ayaa xaqiijisay geerida sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo dowladda Kenya ay ku eedeysay inuu ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday jaamacadda Garissa kaas oo horraantii bishan la dilay kadib markii ciidamada jubbaland oo gacan ka heleya ciidamada komandoosta ee Soomaaliya ay weerar ku qaadeen saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen koofurta Soomaaliya.

Kowdii bisha June taliye ka tirsan Al-shabaab oo lagu magacaabo Maxamed Kuno kuna magac dheeraa Gamadhere dadkuna u yaqaaneen Dul-yadeen ayaa lagu dilay hawlgal qorsheysan kaasoo ka dhacay meesha lagu magacaabo Bula-Gaduud oo 30KM u jirta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Taliye ka tirsan Al-shabaab oo la hadlay raadiyaha ku hadla codka Al-shabaab ee Andalus ayaa xaqiijiyey geerida Maxamed Dulyadeen, war ka soo baxay kooxda ayaa lagu sheegay in kooxdu ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah AMISOM iyo weliba ciidamada Soomaaliya.

“Inaan u aargudano hoggaamiyaasheena waa waajib na saaran kaas oo aynaan marnaba ka tanaasuli doonin waqti kasta oo uu nagu qaataba” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xarakada Al-shabaab.

Sanadkii la soo dhaafay dowladda Kenya ayaa shaacisay in Dulyadeen uu ahaa ninkii soo agaasimay kana dambeeyey weerarkii ka dhacay jaamacadda Garissa waxayna madaxiisa dul dhigtay qarash gaaraya Kenya SHilin 2 milyan (£14,607) oo la siinayo qofkii aqbaar ka keenaya ninkaas si loo xiro.

Waxaa la sheegay inuu lahaa magacyo badan oo xarakada dhexdeeda looga yaqaanay waxaana ka mid ah Gacmadheera, Kuno Sheekh Maxamed, Dulyadeyn iyo C/raxmaan sida laga soo xigtay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya wuxuuna ninkani  hoggaaminayey hawlgalada Al-shabaab ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

Dulyadeen ayaa da’diisa lagu sheegay Afartameeyo wuxuuna lahaa Afar xaas wuxuuna ka qeybqaatay weerarkii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Westgate ee magaalada Nairobi, waxaana la sheegay inuu soo abaabulay shirqool loo maleegey baarlamaanka Kenya wuxuuna ahaa nin aad ugu dhaw hoogaamiyaha xarakada Al-shabaab Axmed Cumar Abuu Cuabeyda.

Sidoo kale wuxuu Al-shabaab u qaabilsanaa gobolada Jubbooyinka ee Soomaaliya goboladaas oo xuduud ballaaran la leh Kenya.

Goobjoog News