U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Xorriyadooda Siiyey Kenyan u Afduubnaa

Sheeko:Dalka

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa dib usii daayey Labo qof oo Kenyan ah, kuwaasi oo 22-kii November ka qafaasheen Tuulada Khorof Kharar oo hoostagta magaalada Wajeer.

Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari, Maxamed Biriik ayaa u sheegay Warbaahinta in dadkaasi iyaga oo nabad qaba ay yimaadeen Tuuladooda.

Wuxuu tilmaamay iney ahaayeen Xoolo dhaqato, islamarkaana beesha ay kasoo jeedaan ay wadahadal la galeen Al-shabaab, sidaasina lagu sii daayey.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in amniga xuduudaha ay aad u adkeeyeen si aanay u suurtagelin in mar kale Al-shabaab qafaashaan dad shacab ah.

Goobjoog News