U bood dhigaalka

Al-shabaab Waxaa Ay Dilka Uga Horreysaa Boko Haram, Warbixin

Sheeko:Dalka

Sida lagu qoray warbixinta hey’adda African Centre for Strategic Studies ee laga leeyahay Mareykanka waxaa ay sheegeysaa in Al-shabaab noqotay kooxda ugu dilka badan qaaradda Afrika.

Xarakada Al-shabaab waxaa la sheegayaa in 2016-kii tusaale ahaan ay dileen in ka badan 4,000  oo qof taas ka badan intii hore.

Sida ay warbixinta sheegeyso, Al-shabaab waxaa kor u qaadeen dilka marka la barbardhigo sanadkii ka horreeyay ee 2015-ka, tiro ahaan 2015 waxaa ay dileen 3,046  halka 2016kii lagu sheegay  4,281.

“Al Shabaab waxaa ay dilka ugu horreeyaan kooxda Boko Haram, iyaga oo noqday kooxda ugu dilka badan Islmaamiyiinta” sidaasi waxaa qortay hey’addan Mareykanka ah.

Kooxda  Boko Haram hoos ayey u dhaceen dilalkooda, 2015-kii waxaa ay dileen 11,519 halka 2016kii ay dileen 3,499.

Al-shabaab sanadkii tagay ee 2017, waxaa ay sidoo kale qaraxyo ka geysteen magaalada Muqdisho.

Goobjoog News