U bood dhigaalka

Al-Shabab oo Soo Bandhigtay Askar Iska Soo Dhiibtay Dowlad Goboleedka Jubbaland

Sheeko:Amniga

Al-shabab ayaa soo bandhigtay askar ka tirsan ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland oo ay sheegeen in ay isku soo dhiibeen, waxaana askartaan lagu soo bandhigay gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada lasoo bandhigay ayaa ku sugnaa Saldhig ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Magaalada caasimadda ah ee Kismaayo.

Alshabab ayaa ku sheegtay tirada  askartaan isa soo dhiibtay ilaa 5 askari kuwaas oo la soo goostay hubkooda iyaga oo sidoo kale shaaciyey magacyada askartaan.

1-Maxamed Cali Bakar

2-Aadan Cismaan Cumar

3-Xuseen Ibraahim Xasan

4-Cusmaan Maxamed Cabdullaahi

5-C/qaadir Cumar.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka dowlad goboleedka  Jubbaland oo ay uga hadlayaan Askarta ay Al-shabaab soo bandhigeen , isla markaana ay ku sheegeen inay ka soo goosteen Jubbaland.

Goobjoog News