U bood dhigaalka

Al-Siisii “Ciidamada Waxay U Aar Gudi Doonaan Dadkii Shuhadada Ahaa”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Masar Cabdi Fitaax Al-siisii ayaa ballan qaaday inay jawaab kulul ay ka bixin doonaan weerarkii shalay lagu qaaday Masjid ku yaallo Magaalada Siinay ee waqooyiga dalkaasi.

Al-siisii oo ka hadlayey Telefishinka qaranka Masar ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada qalabka sida iyo kuwa booliskaba ay u istaagi doonaan inay u aar gudaan dadkii ku dhintay weerarkaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada ay ka shqeyn doonaan dib u soo celinta amniga iyo xasiloonida maalmaha soo socda.

Cabdi Fitaax Al-siisii ayaa yiri “ Waxaan ka digayaa inay dhacdadaan ay niyad jabiso dadka reer Masar,howlahaan argagixiso waxaan ka qaadeynaa awood iyo inaan meel uga soo wada jeesanno argigixisada”.

Madaxweynaha Masar ayaa waxay ku dhawaaqay saddex maalin oo baroor diiq ah.

Shalay aye aheyd markii weerar lala beegsaday Masjid ku yaallo gobolka Siinay,waxaana ku dhintay dad gaaraya 235qof,halka ay ku dhaawacmeen 109 kale.

Dadka ku tukanayey masjidka ayaa waxaa lagu qiyaasay tiradooda inay gaarayeen 400 oo qof.

Wadamada Mareykanka,Ingiriiska,Turkiga,Baxreyn iyo Urdun ayaa cambaareeyay weerarkaan oo dhacay xilli lagu jiray salaadda Jimcaha.

Mas’uuliyadda weerarkaan ilaa iyo hadda cidna ma sheegan.