U bood dhigaalka

ALbashiir Oo Dhexdhexaadinaya Kiir Iyo Machar

Sheeko:Caalamka

Wadahadalladii nabadeed ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Koofurta Suudaan Salva Kiir iyo hogaamiyaha Fallaagada Riek Machar ee Addis Ababa ayaa ku dhamaaday heshiis la’aan, balse waxaa la filyaa inay mar kale ku kulmaan todobaadka soo socda magaalada Khartuum ee caasimadda Suudaan.

Wasiirka warfaafinta ee Koofurta Suudaan Michael Makuei oo Jimcadii dib ugu laabtay magaalada Jubba isaga oo ka yimid Addis Ababa ayaa wariyeyaasha u sheegay in golaha wasiirrada IGAD ay madashoodii heerka sare ahaa ay soo dhamaatay.

Waxa uu sheegay wasiirka in IGAD ay ku boorisay Kiir iyo Machar in ay sii wataan wadahadalkooda ku aadan arrinta ku saabsan Khilaafka, ayna ku kulmaan todobaadka soo socda caasimadda Suudaan ee Khartuum iyada oo la filayo in wadahadallada lagu qabto mustaqbalka dhow Magaalada Nairobi.

Wakiillada kala matalayey Kiir iyo Machar ayaa sheegay in wax heshiis ah aan laga gaarin kulamadoodii ka dhacay Arbacadii magaalada Adis Ababa.

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa sheegay in todobaadka soo socda lagu qaban doono Khartuum wareegga xiga ee dhexdhexaadinta labadaan nin.

Labadaan nin ayaa sabab u ah dagaalka Sokeeye ee ka qarxay dabayaaqadii sanadkii 2013 Koofurta Suudaan, waxaana ku barakacay in ka badan 4 Malyan oo qof dadka degan Koofurta Suudaan.

Goobjoog News