U bood dhigaalka

Ahlu Sunna: 65 Xildhibaan Oo Maanta Dooranaya Guddoonka Baarlamaanka Maamulka

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-Sunna oo ka taliya magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ay soo xuleen ilaa 65 Xildhibaan, kuwaas oo maanta lagu wado iney doortaan guddoomiyaha baarlamaanka maamulka iyo ku-xigeennadiisa.

Doorashada baarlamaanka waxaa ay dhacdey xilli habeen ah, waxaana la sheegayaa in Xildhibaannada laga kala keeney dhammaan deegaannada ay ka taliyaan maamul-ka ku gadoodsan Galmudug ee Ahlu-sunna.

Sida uu ku waramayo weriyaha Goobjoog News ee Dhuusa-mareeb, waxaa xalay dhacdey wareeggii 1aad, waxaana la filayaa in maanta uu baarlamaanka yeesho guddoon dhameystiran.

Lama oga sababta kooxdan Ahlu-sunna ay baarlamaan u sameysatay xilli ay gobolka ay ka arrimiso Galmudug oo ah maamul goboleed dowli ah oo qeyb ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Maamulka Galmudug oo hadda jira sanad iyo bar, khilaafka u dhaxeeya baarlamaanka iyo madaxweynaha marka laga soo tago, waxaa uu ku guul-dareystay in uu soo dummo kooxdan wadaadada ah, taasina waxaa ay saameyn ku yeelatay hor-u-mar badan oo laga filayey maamulka markii uu dhismey.

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Gobollada