U bood dhigaalka

Alshabaab iyo Ciidamada Puntland Oo Ku Dagaalamay Gobalka Bari

Sheeko:Amniga

Wararka laga helayo deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaal uu saaka ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo xubna ka tirsan ururka al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada ku lahayeen deegaanka Af-urur ee hoostaga gobalka Bari.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ciidamada Puntland iyo ururka al-shabaab ku dhexmaray deegaanka af-urur.

Goobjoog News