U bood dhigaalka

Alshabaab Oo La Wareegtay Degmada Ceelwaaq

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirsan xarakada Al-shabaab ayaa caawa la wareegay degmada Ceelwaaq ee ka tirsan gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland.

Al-shabaab ayaa la wareegtay magaalada ka dib markii ciidamada Jubbaland ay iskaga baxeen iyaga oo aaday dhanka Kenya.

Ilaa iyo hadda waxaa ku sugan Ceelwaaq Al-shabaab iyaga oo dadka u jeediyey qudbooyin, lamana oga in ay sii joogi doonaan iyo in kale.

Inta badan Al-shabaab ayaa la wareegto deegaanno iyo magaalooyin ay ka taliso dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ka dib markii ay faarujiyaan magaalada ciidamada dowladda.

Ceelwaaq ayaa ah degmo ku taallo gobolka Gedo waana magaalo istiraatiji ah waxaana gacanta ku hayey ciidamo ka tirsan Jubbaland, balse caawa ayay iskaga baxeen waxaana gacan ku heynteeda la wareegay Al-shabaab.

Goobjoog News