U bood dhigaalka

Alshabaab Oo Saddex Macallin Ku Dilay Gudaha Dalka Kenya

Sheeko:Amniga

Saddex macallin ayaa ku geeriyooda weerar ay Xarrakada Alshabaab ku qaadday deegaan lagu magacaabo Kamuthe oo u dhaw magaalada Garissa waxaana weerarku uu dhacay waaberigii hore ee saaka.

Sarkaal ka tirsan deegaanka shilku ka dhacay ayaa xaqiijiyey in Alshabaab ay toogteen  saddex macallin islamarkaana ay geeriyoodeen wuxuuna intaas ku daray in hal macallin uu weerarkaas ku dhaawacmay loona qaaday Isbitaal.

Wararku waxay sheegayaan in macallimiinta la dilay aysan deegaan ku lahayn halka lagu dilay laakiin ay u imaan jireen Iskuul ku yaalla Garissa oo ay wax ku bari jireen ardayda deegaanka.

Dagaaalyahannada ayaa weeraray Iskuulka Kamuthe xilli ay macallimiintu hurdeen waxaana maamulka Iskuulku sheegay in hadda Iskuulka la xiray.

Goobjoog News