U bood dhigaalka

Al-shabaab oo Sheegtay mas'uuliyadda weerarkii saaka lagu dilay dad u dhashay dalka Kenya

Sheeko:Dalka

Makka TravelersXarakada Alshabaab ayaa sheegtey mas’uuliyadda weerar waabarigii maanta lagu qaaday bas marayay inta u dhaxaysa Gaarisa iyo Mandera, halkaasi oo lagu diley illaa 28 qof oo masiixiyiin ah.

Baska oo ka tagay magaalada Mandera ayaa kusii jeedey Nairobi, markii 8km oo kaliya uu Mandera kasii socdey ayay dableey hubeysan leexsadeen, kadibna dadkii u kala saareen labo koox.

Koox Muslimiin ah iyo kuwii aan ahayn, waxayna laayeen kuwii aanan muslimiinta ahayn oo gaarayay illaa 28 qof.

Shabaabka waxa ay sheegeen in weerarka ay oga jawaabayaan weerarkii ciidamada Kenya ay ku qaadeen masaajido ku yaala magaalada Mombasa ee dalka Kenya

Goobjoog News