U bood dhigaalka

Alshabaab Oo Weerartay Degmada Qoryooleey

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya inuu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakada Alshabaab.

Dagaalka oo xalay dhacay ayaa Alshabaab waxay weerareen saldhig ciidan oo degmada ku yaalla.

Dadka degaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in Qoryooleey dhowr jiho ay dagaal kaga qaadeen islamarkaana markii dambe ay dib u laabteen.

Booliska degmada ayaa ka soo xigannay in uu jiro dagaalka oo uu ka dhashay khasaare, hase yeeshee wuxuu ka gaabsaday khasaaraha dhankooda gaaray.

Dhanka kale, warbaahinta Ashabaab ayaa baahisay in dagaal culus oo ay ku qaadeen Alshabaab degmada Qoryooleey ay ku dileen guddoomiye xigeenkii degmadaasi.

Illaa hadda ma heyno warar xaqiijinaya jiritaanka sheegashada Alshabaab iminkana xaaladda degmada Qoryooleey waa ay deggan tahay mana jiro wax dagaal ah oo ka jiro.

Xarakada Alshabaab ayaa dhowr jeer weerarro ku qaaday degmada Qoryooleey waxayna isku dayayeen inay kula wareegaan degmadaasi oo ay horey uga tallin jireen.

Goobjoog News