U bood dhigaalka

Amaanka Degmada Cadaado Oo Loo Adkeeyay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ximan-Iyo-XeebMaamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in aad loo adkeeyay amaanka guud ee magaalada Cadaado halkaasi oo la filayo in dhawaan lagu qabto shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Careys Maxamed Xaaji oo ah afhayeenka maamulkaasi ayaa isaga oo u waramay Goobjoog waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay u diyaar garoobeen sidii amaanka degmadaasi loo sugi lahaa.

“Xil gooni ah ayaa la’iska saaray arinta nabad galyada, Maamulka Ximan iyo Xeeb ciidamo dheeraad ah ayuu tababaray, saraakiil qaran ayaa gacanta ku haya, amniga waa kaalinta Koowaad, deegaanada aynu maamulno waa la ogyahay amaanka sida uu yahay, waana waajib naga saaran in aan sii xoojinayo amaankeena iyadoo aad ogtihiin in dhawaan shirka Mugud iyo Gal-gaduud maamulka loogu sameynayo lagu dhisi doono Cadaado” ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Degmada Cadaado waxaa kusii qul qulaya siyaasiin iyo xubno isku soo sharaxay xilka madaxweyne ee maamulka la filayo in dhawaan loo sameeyo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News