U bood dhigaalka

Amar Lagu Soo Rogay Darawallada Kaxaysa Gaadiidka Ee Deegaanada Puntland

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in bisha soo aadan ee June aan deegaanada maamulkaasi ka arrimiyo ka shaqeyn doonin darawal aan lahayn sharciga wadista gaadiidka, kaasi oo loo yaqaan Laysin.

Wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka ee Puntland ayaa soo saartay go’aankaasi, waxaana la sheegay in loogu digayo Darawalada gaadiidka noocyadiisa kala duwan in mudadaasi ay ka faa’ideystaan, wixii ka dambeeyana darawalkii sharci la’aan gaadiidka wada la marsiin doono cadaalladda.

Dhinaca kale taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka ee Puntland Korneel Axmed Cabdi Cali ayaa mar uu la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in go’aankaan laga fulin doono dhammaan deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Puntland.

Taliyaha ayaa sheegay in kaliya darawalada qaar aan laga doonayn sharcigaan, balse cid walba oo darawal ah laga doonayo in ay goosato Laysinka.

Sidoo kale waxaa barbar socda goosashada Laysinka in darawalka la weydiin doono kaarka aqoonsida ee ku aadan in uu yahay shaqsi kasoo jeeda Puntland.

Go’aankaan kasoo baxay maamulka Puntland ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyay shilalka gaadiidka ay kusoo badanayeen magaalooyin badan oo maamulkaasi ka arrimiyo.

Goobjoog News