U bood dhigaalka

Amarkii Dowladda ee Duulimaadyada oo Dhaqan Galay iyo Diyaarad Laga Celiyay Hargeysa

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta dhaqan galay amarkii dhowaan ay soo saartay dowladda federaalka ee ku aaddanaa duulimaadayada caalamiga ah in aysan dalka imaan Karin muddo 2 todobaad ah, si looga baaqsado faafidda caabuqa Coronavirus oo kiiskii ugu horeeyay laga helay Soomaaliya.

Sidoo kale wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarad sidday rakaab islamarkaana ka timid dalka Imaaraadka Carabta kuna sii jeeday magaalada Hargeysa la sheegay in dib loo celiyay, waxaana diyaaradda la celiayay lagu magacaabaa Flydubai.

Waxaana wararku ay intaas ku darayaan in dowladda federaalaka ay lahayd amarka dib loogu celiyay diyaaradaasi sidday rakaabka maadaama la dhaqan galinayo amarkii duulimaadyada caalamiga ahaa.

16-kii bishan wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan ku addan in aan wax duulimaadyo oo caalami ah soo gali Karin dalka muddo 2 todobaad ah oo maanta dhaqan gashay.

Go’aanka lagu joojiyay duulimaadyada caalamiga ah ayaa ku soo aadaya xilli wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay 16-ka bishan shaacisay in garoonka diyaaradaha Muqdisho laga helay kiiskii ugu horeeyay ee xanuunka Coronavirus.

Goobjoog News