U bood dhigaalka

Ammarkii Dowladda Federaalka Ku Hakisay Qaadka Oo Maanta Ka Dhaqan Galay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah uga dhaqan galay ammar shalay ay dowladda Federaalka ku hakisay in dalka la keeno Qaadka ka imaanayey dalka Kenya.

Suuqayada magaalada Muqdisho ee Qaadka lagu iibin jiray maanta waa kuwo haawanaya, iyadoo ganacsatada qaadka ay arrintan aragti ka dhiibteen.

C/risaaq Maxamed Axmed waxa uu ka mid yahay dadka ka ganacsada Qaadka, wuxuu sheegay in saameyn weyn ay ku yeelatay joojinta Qaadka maadaama uu qoyskiisa ka biilan jiray.

Wuxuu tilmaamay C/risaaq in tani saameyn ay ku yeelatay ka shaqsi ahaan, islamarkaana ay jiraan dad kale oo sidan oo kale iyaguna maanta shaqo la’aan u ah.

“Annaga aad ayaan uga xunnahay tallaabada dowladda Federaalka ay Qaadka ku hakisay waayo dad badan ayaa Qaadka ka shaqeysan jiray, iyadoo dadka shaqo klale loo abuurin ma ahan in Qaadka la hakiyo” ayuu yiri C/risaaq.

Dhinaca kale qaar ka mid ah dadka Cuni jiray Qaadka ayaa sheegay in iyaguna ay cabasho ka yihiin hakinta Qaadka ee dowladda Federaalka, waxayna dalbadeen in  loo soo fasaxo Qaadka.

“Annaga dhiigeenna ayaa ku shaqeynaya Qaadka, ma ahan in  dowladda ay joojiso, waxaan u baahannahay in naloo soo celiyo sababtoo ah muddo badan ayaan cuneynay” sidaasi waxaa Goobjoog u sheegay Saalax oo ka mid ah dadka Qaadka cuna.

Qaadka ayaa dhibaato badan ku haya Bulshada Soomaaliyeed, waxaana ku baxa qarash badan.

Goobjoog News