U bood dhigaalka

Amarro La Dul Dhigay Ciidamada Asluubta

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida  Xasan Cali Nuur Shuute oo la hadlayey askar ka tirsan ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo tababar loo soo xiray ayaa sheegay in laga doonayo in isbaladal muuqda ay ku soo kordhiyaan shaqada ciidamada Asluubta.

Guddoomiye Shuute ayaa xusay in xabsiyada ay gacanta ku hayaan ciidamada ay ka jirto xaalad adag loona baahan yahay in ay baabi’iyaan magac xumada ka soo yeerta xabsiyada dalka gaar ahaan xabsiga dhexe oo gacanta ay ku hayaan ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa uu intaas ku daray haddii aan arrintaas aysan wax ka badalin ciidamada ilaalada xabsiyada ay xabsiyadu noqon donaan meel fikradaha Xagjirnimada ah ee mucaskarka lagu faafiyo waa sida uu dalka u dhigay.

‘Haddii taliyaha xabsiga heysto danbiilayaasha  la soo xiray aysan  gaarsiinin in asluubtooda wanaagsanaato ay ku laaban karaan bulshadii ay ka yimaadeen oo ay dhameystaan intii garsoorku soo xukumay  sidaas uusan gaarsiinin, taliye ma’ahan ee waxaa uu horjooge ka yahay mucaskar Axgigixisada lagu kobciyo” ayuu yiri guddoomiye  Shuute.

Dhanka kale wasiirka cadaaladda Xukuumadda federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo joogay goobta lagu dhaariyey ciidamada ayaa xusay xukuumad ahaan ay soo dhicin doonaan xuquuqda ciidamada Asluubta Soomaliyeed.

“Waxaad ogtihiin in la bilaabay diiwaan gelinta ciidamada  oo xuquuqda ay la socoto askarta iyo saraakiisha, xukuumad ahaan waxaan ku dadaaleynaa in aan ka miro dhalino sidii ay ku heli lahaayeen xuquuqdii ay ku lahaayeen qarankooda.

Hadalka ka soo yeeray guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo xaalad mamul xumo ay ka jirto xabsiga dhexe sida uu qiray guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sido,.

Goobjoog News